WAKIIL Cumro Services
WAKIIL Cumro Services
Fadliga cumrada leedahay waxaa kamid ah dambigaada oo la dhaafo iyo in aay kaa fogeyso faqriga. Waxaa jira xadiith nabiga laga wariyay NNKH:
تابِعوا بينَ الحجِّ والعُمرةِ، فإنَّهُما ينفيانِ الفقرَ والذُّنوبَ (رواه الترميذي 810 )
"Is raac-raacsiiya Xajka iyo Cumrada labaduba waxay tir-tiraan faqriga iyo dambiga"
Sidoo kale waxaa jiro xadiith kale oo suubanaha laga wariyay NNKH kaas oo tilmaamaayo wanaaga ku jiro cumrada:
حديث أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: العُمْرَةُ إِلَى العُمْرَةِ كَفَّارَةٌ لِمَا بَيْنَهُمَا، وَالحَجُّ المَبْرُورُ لَيْسَ لَهُ جَزَاءٌ إِلَّا الجَنَّةُ رواه البخاري (1773)، ومسلم (1349).
"Cumradu weey tir-tirtaa dambigii la galay Ilaa Cumradii ugu dambeysay, Xajka la aqbalayna abaalmarintiisu waa Janno"
Haa, In laga cumreeyo qof dhintay, xanuunsan ama waayeel ah wee ka ansaxeysaa qofkaas loo sameeyay. waxaana ka cumreyn karo qof muslim ah, qaan-gaar ah, caaqil ah waxa uuna gudanayaan dhamaan acmaasha cumrada asiga oo wakiil ka ah qofkaas.
Waxaana loo daliishanayaa qodobadaan hoose:
In cumro la isku wakiilan karo waxa looga dayanayaa iskuwakiilashada xajka kaas oo ku sugan sunadda Nabigeena NNKH iyo isku waafiqida dhamaan culimada.
Sidoo kale saxaabada ayaa cumreestay ayaka oo dadkale wakiil ka ah.
Ahlu cilmga oo ka hadlay banaanshiyaha in laga cumreeyn karo dadka aan awoodin naftooda in aay ka cumreeyaan.
Wakiilashada cumrada waxay leedahay 4 shuruudood oo kala ah:
In qofka laga cumreynaayo uu ahaado muslim geeriyooday, xanuunsan oo sariir saaran, ama aan awoodin fulinta acmaasha cumrada (dhawaafka, sacyiga) sababo jiro aawadeed, sida in uu gaboobay ama cuuryaan ah.
Qofka la wakiishay waa in uu ahaado qof muslim ah, caaqil ah, qaan-gaarna ah.
Qofka la wakiishay waa in uu yahay qof horay uka cumreeyay naftiisa.
Waxa qasab ku ah la wakiishaha in uu la yimaado niyada ka cumreynta qofkii wakiishay ma ahan nafsadiisa.
Fadlan nagala soo xiriir WhatsApp:
+966 54 862 1429