# Ma banaantahay in hal cumro loo sameeyo labo qof?
Ma banaano in hal cumro labo qof loo sameeyo halkii cumro waxaa loo sameen karaa hal qof bas.
# Ma banaantahat in loo cumreeyo qof nool awoodna u leh in uu cumraysto?
Ma banaano in laga cumreeyo qof nool oo awooda la imaanshaha acmaasha cumrada.
# Ma banaantahay in laga cumreeyo qof horay uga cumreeyay naftiisa?
Haa waa banaantahay in laga cumreeyo qof horay u cumreestay hadii uu awoodi waayo in uu markale cumreesto sababo sharci ah darteed, tusaale ahaan, qofka in uu xanuunsanyahay, waayeelyahay ama geeriyooday.
# Ma banaantahay in laga cumreeyo hal qof in ka badan hal jeer?
weey banaantahay in laga cumreeyo in ka badan hal jeer inta uu kamid yahay qolada sharciga uu ogolyahay in laga cumreeyo ee aan soo sheegnay.