Wakiilashada cumrada waa mid kamid ah wadooyinka sharciga ah ee faaidada ugu jirto muslimiinta aan awoodin gudashada cumrada sabab sharci ah awgeed sida: Qof geeriyooday ama xanuunsan ama aan awoodin(D'a ahaan ama curyaanimo darteed).
Qofkaas dhintay, xanuunsan ama aan awoodin jir ahaan, waxaa ka cumreyn karo qof muslim ah, qaan-gaar ah, caaqil ah waxana uuna gudanayaan dhamaan acmaasha cumrada asiga oo wakiil ka ah qofkaas.
Waxaana loo daliishanayaa qodobadaan hoose:
In cumro la isku wakiilan karo waxa looga dayanayaa iskuwakiilashada xajka kaas oo ku sugan sunadda Nabigeena NNKH iyo isku waafiqida dhamaan culimada.
Sidoo kale saxaabada ayaa ka cumreestay ayaka oo dadkale wakiil ka ah.
Ahlu cilmga oo ka hadlay banaanshiyaha in laga cumreeyn karo dadka aan awoodin naftooda in aay ku cumreeyaan.