Cumrada waxay leedahay 3-Tiir oo la'aantood aysan ansaxmeynin cumrada waana: 1) Niyada lala imaado marka la joogo goobaha laga xirto cumrada ama miiqaatka. 2) Dhawaafka: waa 7 wareeg oo kacbada lagu wareeganaayo. 3) Sacyiga: waa in aad 7 jeer ukala socotid labada buur ee safa iyo marwo.
Gudashada cumrada marka uu qofka wakiil ka yahay qofka kale, waxa uu sameeyaanayaa dhamaan acmaasha cumrada si lamid ah marka uu ka cumreynaayo naftiisa sida "Ixraamka, dhawaafka iyo Sacyiga".
Hal farqi ayaa jiro waana niyada iyo talbiyada. Qofka wakiilka ah waxa uu niyaysanayaan in uu sameeynaayo cumro uu wakiil uka yahay qof uu garanaayo magaciisa si uu u magacaabo. Talbiyadana waxa ay noqonaysaa "لبيك اللهم عمرة عن فلان" Taas oo macnaheedu tahay "Allow waan kusoo ajiibay aniga oo ka cumraynaayo hebel ( qofka magaciisa ayaad xuseysa)"