Wakiilashada cumrada waxay leedahay 4 shuruudood oo kala ah:
In qofka laga cumreynaayo uu ahaado muslim geeriyooday, xanuunsan oo sariir saarana, ama aan awoodin fulinta acmasha cumrada (dhawaafka, sacyiga) sababo jiro aawadeed, sida in uu da' ah yahay ama cuuryaan ah.
Qofka la wakiishay waa in uu ahaado qof muslim ah, caaqil ah, qaan-gaarna ah.
Qofka la wakiishay waa in uu yahay qof horay uka cumreeyay naftiisa.
Waxa qasab ku ah la wakiishaha in uu la yimaado niyada ka cumreynta qofkii wakiishay ma ahan nafsadiisa.